Madasha Gorfaynta ee Machadka ISIR
Af Soomaaligu Ma Horukac ayuu Samaynayaa Mise Gaabis ayaa Ku Jira?
20-kii Sibtambar 2024, Madasha Gorfaynta ee Machadka ISIR ayaa soo bandhigtay fagaare lagu falanqaynayay Af Soomaaliga. Cawaayska oo ay ka soo qaybgaleen dadka ku hawlan xarumaha cilmiga sida akhriska, qoriska, cilmibaadhista iyo jaamicadaha ayaa waxa lagu soo bandhigay warqad aqooneed uu soo saaray Machadka ISIR.
Warqada ayaa soo bandhigtay dood ah in Af Soomaaligu sameynayo korriin iyo hagaas isbarbarsocda. Warqadu waxa ay sheegtay in boqollaal sannadood Af Soomaaligu soo ahaa af ka xidhan foofka ilbaxnimada oo ay ugu muhiimsan tahay farta iyo qoraalku, sababo badan awgeed. Ha se ahaato e, kontonkii sannadood ee ugu dambeeyay Af Soomaaligu waxa uu yeeshay far qoraal, taas oo suuragalisay in ay faafaan qoraalka iyo akhriska dhigaallo af Soomaali ku qorani.
Warqadu waxa ay xustay in horumarka Af Soomaaligu samaynayay uu ku lammaanaa hanaqaad la’aan ka haysay hab-qoraalka iyo naxwaha oo aanu weli saldhigin, ama aanu lahayn halbeegyo saxartiran oo uu tixraaco.
Falanqeeyayaasha ayaa ku dooday in inta badan dedaalada horumarinta Af Soomaaligu uu xooga saarayay oo keli ah tixda balse aanu dedaal la mid ah gelinin tiraabta oo iyadu ah ta sida joogtada ah loo isticmaalo.